Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan bayaan uu kaga hadlay dhismaha biyo-xireenka Itoobiya ee GERD uu dhaliyay muran baahay, isaga oo ka sheegay kulan uu kula qaatay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte aqalka cad ee Maraykanka.
Trump ayaa ku sheegay in biyo-xireenka uu yahay mid goynaya qulqulka biyaha Wabiga Nile ee Masar, waxaana uu cabiray doonitaankiisa “xallinta dhibaatooyinkan sida ugu dhakhsaha badan”.
“Anaga iyo Itoobiya waxaan nahay saaxiib, laakiin waxa ay dhiseen biyo-xireen ka hortagay biyaha inay gaaraan wabiga Nile” Trump ayaa u sheegay wariyayaasha, isaga oo soo hadal qaadaya colaado caalami ah oo dhibaatooyinkeeda ay tahay inuu wax ka qabto. Waxa uu sheegay Nile ay Il muhiim ah u tahay nolosha iyo dakhliga isaga oo yiri “Waa nolosha Masar”.
Trump ayaa intaasi ku daray, “Waxaan u malaynayaa in Maraykanka ay maalgaliyeen biyo-xireenka. Ma ogi sababta arrintan aan loo xallin kahor dhismaha. Laakiin waa ay wanaagsan tahay in aynu haysano Nile oo biyo buuxaan”.
Saacado uun ka dib hadalkan, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa soo dhoweeyay hadalada Trump, isaga oo qeexay mahad celintiisa, waxa uu ku tilmaamay “Dhab ahaanta maamulka Maraykanka ee xallinta colaadaha, ” isaga oo hoosta ka xarriiqaya “Masar ay aaminsan tahay awoodda Trump ee xallinta arrintaasi.