Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)- Dood wadaaggan oo ku saabasanaa sida looga hortagi karo dhibaatoooyinka la xiriira xadgudubyada loo geysto Gabdhaha yaryar gaar ahaana kuwa ku nool xeryaha Barakayassha iyo deegaanada kale ayaa lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka gabdhaha xasafiyiinta ah ee Women media network kaas oo ay kasoo qeybgaleen xildhibaano, bahda garsorka iyo xubno ka socday ururada bulshada iyada oo su,aalo laga weydiiyey caqabadaha ay la kulmaan Gabdhahu.
Warbixintan waxaa faah faahinaysa: Hamdi Dirie Ali