Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ururka Suxufiyiinta Galmudug oo kaashanaya xafiiska siyaasada qaramada midoobay UNSOM ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug ku qabtay dood ku saabsan tacadiyaha ka dhankaa saxafiyiinta gaar ahaan xoriyada hadalka.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wariyaasha Magaalada Dhussamareb , Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug , Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqda aadanaha Galmudug , Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha garsoorka Galmudug iyo xubno kale oo ka socday qeybaha kale EE dowlada.
Waxaana doodaan lagu lafa guray Tacadiyada ka dhankaa Saxaafada gaar ahaan xoriyada hadalka.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Hamdi Diriye Ali