Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu qabtay dood-wadaag looga hadlayay doorka haweenku ay ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo xasilloonida bulshada.
Dood-wadaagga oo ay ka qeyb galeen haween ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, masuuliyiin heer degmo iyo gobol ah, iyo wakiillo ka socday ururada bulshada rayidka ah ayaa diiradda lagu saarayay sidii kor loogu qaadi lahaa kaalinta haweenka ee hanaanka nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor