Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Doorashada kursiga HOPE#049 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacday Dhuusamareeb, iyadoo Maxamed Cabdi Cali uu ku guuleystay kadib markii musharaxii la tartamayay, Istarliin Ibraahim Jimcaale, ay tanaasushay.
Doorashada ayaa lagu qabtay hab gacan-taag ah.
Madasha doorashada waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Cadaaladda Galmudug, iyo marti sharaf kale.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor