Dowlad goboleedka Galmudug oo loogu baaqay Ilaalinta Xorriyadda hadalka.

0
35

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Galmudug, Galja Maxamuud Cismaan Cabdulle (Berrey), ayaa sheegay in wariyeyaasha iyo warbaahinta deegaanada Galmudug mararka qaar ay la kulmaan culeysyo ku saabsan xorriyadda hadalka, kuwaas oo ka yimaada maamulka Galmudug.

Xoghaye Berrey ayaa ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedka Galmudug inay ilaaliyaan xorriyadda hadalka, warbaahintana loo madax-baneeyo shaqadooda.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here