Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Galmduug Senator Farhan Ali Mohamud oo golaha baarlamaanka Galmudug qudbad u jeedinayay maruu sharaxayay Miisaaniyad Sanadeedka 2025 oo baarlamaanka u gudbisay wasaaradda Maaliyada ayaa sheegay in dhaqaalaha Galmudug kordhay sanadkaan marka lala barbar dhigo 2024 sanadkii 2023.
Korarka dhaqaalaha ayuu ku sababeeyay wasiirka Maaliyada iney keentay Canshuurta oo ay kordhiyeen,shaqada dekada Hobyo oo korortay, iyo in wasaaradu bilowday qaadista Canshuurta xeebaha Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor