Dowlad goboleedka Galmudug oo sheegtay in uu hoos u dhacay tirada kiisaska kalluumaysiga sharci-darrada xeebaha maamulkaas

0
32

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu ciribtiro kalluumaysiga sharci-darrada ah, ayaa dowlad-goboleedka Galmudug sheegtay in hoos u dhac weyn laga dareemayo kiisaska la xiriira kalluumaysiga aan sharciga waafaqsanayn.

Mohamed Hassan Ahmed, oo ah agaasimaha waaxda qorsheynta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Galmudug, ayaa wareysi gaar ah siiyey Radio Daar-Dheer. Wuxuu sheegay in ciidamo ilaaliya xeebaha Galmudug ay si joogto ah u hawlgalaan, kuwaas oo hoostaga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here