Dowlad goboleedka Puntalnd oo sheegtay iney soo saareyso Lacag cusub.

0
40

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay ku soo saari doonaan lacag cusub oo uu maamulkaasi yeelan doono. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay arrintan isaga oo xusay in lacag cusub loo baahanyahay si wax looga qabto baahida dhaqaale ee ka jirta gobolka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in lacagta cusub ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo la dagaallanka sicir-bararka, taas oo saamayn weyn ku leh bulshada Puntland. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in lacagta cusub ay noqon doonto mid si rasmi ah loo adeegsan doono gudaha Puntland.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here