Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Agaasimaha waaxda dhulbixinta dowlada hoose ee Dhuusamareeb Cabdi Cali Khayre oo lahadlay Radio Daar-dheer ayaa ugu baaqay bulshada magaalada Dhuusamareeb qaadashada sharciyada lahaanshiyaha dhulka maadaama uu aad ukordhay isku qabsashada dhulka gudaha Dhuusamareeb
Sidoo kale agaasime Cabdi Cali Khayre ayaa fariin udiray dadka Dhuusamareeb taas oo ku aadan in dadka guryaha dhista ay soo ogaysiiyaan maamulka degmada kahor inta aysan bilaabin dhismaha si waaxda dhulku ay dad soo arka dhulka uu dhisanayo ay ugu daraan.
Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa dadka dagan xaafadaha kala gadisan ee Dhuusamareeb siiya sharciyada laxariira lahaanshiyaha dhulka waxayna dadka qaar bilaabeen qaadashada Dukumintiyada dhulka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Bashir Mohamed Salad