Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Maanta ku wargeliyay shaqaalaha ajaaniibta ah iyo shirkadaha ganacsiga ee ka howlgala gudaha dalka inay qaataan warqadda dambi la’aanta ee laga helo Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID).
Warqaddan ayaa caddeyneysa in qofka aan lagu lahayn wax dambi ah gudaha Soomaaliya, waxaana looga baahan yahay shaqsiyaadka iyo hay’adaha doonaya inay ka shaqeeyaan ama ganacsi ka sameeyaan dalka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdulahi Abdulkadir Nor