Dowlada Soomaaliya oo baaraysa aqoonta iyo tayada dhaqatiirta shisheeye

0
39

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Mudane Maxamed Caddow, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay Shirweynihii 16-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Kormeerka Caafimaadka (IAMRA), kaas oo ka dhacay magaalada Dublin ee caasimadda dalka Ireland.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Kormeerka Caafimaadka, ay hubinayso tayada iyo aqoonta dhaqaatiirta ajnabiga ah ee dalka soo galaya, si ay ugu fuliyaan adeegyo caafimaad oo tayo leh bulshada.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here