Dowlada soomaaliya oo dhiseysa Buundooyinkii ku burburay fatahaaddii iyo daadadkii roobabka.

0
53
Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa qabatay  dood cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi-baarista iyo Tababarrada Hay’adda SoDMA oo u jeedkeedu yahay sidii dib loogu dhisi lahaa buundooyinka gobolka Gedo ee ku burburay fatahaaddii El-nino isla-markaana loo xoojin lahaa dadaallada u qareemidda iyo qaaraan-aruurunta ee socda.
Madasha waxaa si weyn loogu lafa-guray saameynta taban ee ka dhalatay roobabkii xoogganaa ee dalka ka da’ay dhammaadki sanadkii hore gaar ahaan qiimeynta buundooyinka gobolka Gedo ee burburay, sidii loo taageeri lahaa isku-dayga dadka degaanka ee ku aaddan dib u dhiska buundooyinka iyo garab istaagga howlaha Guddiga Dib-u-dhiska Buundooyinka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here