Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay hormarinta Waxbarashada.

0
37

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Waxbarashada Kenya, iyaga oo ka wada hadlaya sidii ardayda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa isdiiwaangelinta jaamacadaha dalkaas.

Kulankan ayaa daba socda heshiisyo hore oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo lagu doonayo in ardayda Soomaaliyeed ay si sahlan ugu biiraan jaamacadaha Kenya. Heshiisyadani waxay sidoo kale kor u qaadayaan iskaashiga tacliinta sare ee labada dal.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here