Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Macallin Nuur Cali Xaashi oo ka mid ah culimada diinta ee ka hawlgala Galmudug, ayaa wareysi gaar ah siiyay Radio Daar-Dheer.
Isagoo ka hadlayay arrimaha dhalinyarada, ayuu macallinku ugu baaqay dowlad-goboleedka Galmudug in ay degdeg ula timaado qorshe cad oo looga hortagayo tahriibka dhalinyarada.
Macallinka ayaa tilmaamay in dhibaatada ka dhalata tahriibka oo ay kamid yihiin dhimasho, dhaawac iyo dhibaatooyin nafsiyeed ay tahay mid masuuliyadeedu saaran tahay masuuliyiinta u dhaarta daryeelka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Ahmed Mohamed jama.