Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa billowday olole lagu nadiifinayao suuqa wayn ee magaalada Gaalkacyo. Waaxda Arrimaha Bulshada ee Dowladda Hoose ee Degmada Galkacyo oo kaashanaysa Kambaniga Nadaafadda ee Badbaado ayaa si rasmi ah u bilowday olole nadaafadeed oo diiradda lagu saarayo ilaalinta fayodhowrka guud ee Suuqa Weyn ee magaalada, gaar ahaan meelaha laga hirgeliyay dhagaxa la is dul dhigo (interlock).
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi