Dowladda Soomaaliya ayaa waddo qorshe lagu hormarinayo Afka Soomaaliga.

0
32

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka hadlayay xuska Maalinta Afka Hooyo, ayaa sheegay in wasaaraddu ka go’an tahay horumarinta Af-Soomaaliga.

Wasiirku wuxuu xusay in Af-Soomaaligu yahay dhaxalka ugu weyn ee ay leedahay bulshada Soomaaliyeed, balse uu hadda wajahayo khataro waaweyn. Wuxuu intaa ku daray in wasaaraddu diyaar u tahay dadaallo lagu xoojinayo ilaalinta iyo kobcinta afka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here