Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay dhallinyaro Soomaaliyeed oo doonayay inay si tahriib ah uga sii gudbaan dalka Aljeeriya.
Dhallinyaradan oo intooda badan ujeedkoodu ahaa inay gaaraan qaaradda Yurub, ayaa lagu soo waramayaa in la qabtay xilli ay ku sugnaayeen dalka Aljeeriya. Dowladda Soomaaliya iyo IOM ayaa si wadajir ah uga shaqeeyay in dib loogu soo celiyo, si loogu sameeyo dib-u-dajin iyo taageero nafsi ah.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor