Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA Maxamuud Moallim Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda SODMA ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao .
Kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka Shiinaha waxaa goobjoog ka ahaa xubno katirsan madaxda hay’adda SoDMA, Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo ay ugu talagaleen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SODMA kuwaas oo loogu talagalay in la gaarsiiyo deeganada ay saameeyeen Abaaraha.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Ahmed Mohamed Jama