Dugsiyada ku yaalla degmada Hobyo oo codsi u diray Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.

0
79

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Hobyo, taasoo lagu shaacinayay aqoonsiga rasmiga ah ee ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Galmudug siisay Iskuulka Shiikh Maxamed Geeddi.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo ardayda iskuulka.

Intii ay socotay xafladda, Maamulaha iskuulka, Nuur Axmed Maxamed, ayaa si qoto dheer u faahfaahiyay heerarka kala duwan ee uu iskuulku soo maray tan iyo aasaaskiisii, isaga oo xusay dadaalka lagu bixiyay kobcinta adeegyada waxbarasho ee deegaanka.

Dhankooda, maamulka degmada Hobyo ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga cusub, waxayna ka codsadeen Wasaaradda Waxbarashada Galmudug in ay ku soo darto qaar ka mid ah macalimiinta qaranka si kor loogu qaado tayada waxbarashada ee iskuulka, loogana jawaabo baahida sii kordheysa ee dhallinyarada waxbarasho doonka ah.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here