Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudoomiyaha Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan , Gudoomiyaha Gobalka Mudug Mudane Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdille oo ay weheliyaan saraakiisha laamaha Amniga heer Gobal iyo heer Degmo iyo Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gaalkacyo iyo Baarlamaanka Galmudug qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka , dhalinyarada iyo kooxaha fanka ayaa duleedka Degmada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Wafdi balaaran oo uu horkacayo Wasiirka Arimaha gudaha , federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayna ka mid yihiin Xildhibaan Dhabancad iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya , Xubno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Salaadiin. Wafdiga ayaa Gaalkacyo u yimid gaalkacyo ka qeyb qaadashada abaabulka Munaasabadda xuska sanadguurada 17-aad ee kasoo wareegtay aas aaska Galmudug ee lagu qabanayo Gaalkacyo , maadaama ay Gaalkacyo tahay hooyada Galmudug iyo halkii lagu aas aasay Dowladda Galmudug ee haatan 17-sano jirsatay.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi