Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)- Paulo Dybala ayaa jabiyay rikoorkii Cristiano Ronaldo ee maaliyaddaha ugu badan ee hal maalin lagu iibiyo gudaha Talyaanigga kaddib markii uu u dhaqaaqay kooxda ka dhisan Serie A ee Roma.
Tirooyinka maliyaddaha la iibiyay ee xiddiga reer Portugal markii uu Juventus kubiiray 2018 ayaa ka hooseeya kuwa Dybala kaasoo si xur ah ugu biiray Roma toddobaadkii hore.
Dukaamada kala duwan ee Roma ayaa gabi ahaanba soo buux dhaafiyay taageerayaal isku dayaya inay helaan maaliyadda cusub oo uu dhabarka kaga qoran yahay magaca weeraryahanka Argentina, sida ay sheegeyso Corriere dello Sport.
“Tan iyo saaka ma aan fadhiisan wax yar, waxba maanu samaynin oo aan ka ahayn daabacaadda maaliyaddaha Dybala Taageerayaashu waxay rabeen inay gacanta ku dhigaan maaliyadda saxeexa cusub. ” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha.
Kooxda reer Talyaani ayaa u soo bandhigtay ciyaaryahankii hore ee Juventus iyo Palermo fursad uu ku dhaxlo lambarka 10-aad ee Francesco Totti, kaasoo aan cidna xiran tan iyo markii uu ciyaaraha ka fariistay.
Taa bedelkeeda, gooldhaliyaha ayaa diiday oo xiran doona lambarka 21. Lambarka uu doortay Dybala ayaa ah mid uu horay u isticmaali jiray oo uu u xiran jiray juve iyo xulka qaranka Argentina.
Muddo dheer ayay u muuqatay in Dybala uu u dhaqaaqi doono Inter laakiin go’aankii ay ku qaateen Romelu Lukaku ayaa sababay inay ka gaabiyaan xiisaha ay uqabeen Dybala.