Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waddada laamiga ah ee xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay dhismeheeda gacanta ku hayo maamulka Galmudug ayaa laga sameeyay horumar iyadoo hal kilometre la saaray laamiga.
Waddadan oo muhiim u ah isku socodka bulshada ku safarta ayaa dhismihiisa waxaa gacanta ku haya wasaaradda Maaliyadda Galmudug, waxaana dhismahan lagu fulinayaa canshuurta laga qaado deegaannada Galmudug sida uu maamulku sheegay.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdidaahir Garaad Ali