Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun kulul kala soo kulantay Everton oo kusoo garaacday 1-0, kulan ay Gunners soo bandhigtay ciyaarteedii ugu liidatay xilli ciyaareedkan, waxaanay iska lumiyeen fursad ay siddeed dhibcood ku qaban lahaayeen hoggaanka horyaalka Premier League.
Arsenal oo hoggaanka shan dhibcood ku hoggaaminaysa ayaa la kulantay guul-darradeedii labaad ee xilli ciyaareedkan socda, waxaana hilfaha u qaadday oo saddexda dhibcood ka qaadatay Everton oo kaga soo baxday khadka cas.
Gool madi ah oo uu daqiiqaddii 59aad uu Tarkowski madax ugu dhaliyey ayaa Everton ugu filnaaday inay guusha xaqiijisato, hase yeeshee Arsenal ayaa heshay fursado ay goolal u beddeli karaysay oo aanay ka faa’iidaynin.
Kubbad koorne ahayd oo uu soo laaday McNeil ayaa waxa madax ku qabtay Tarkowski oo dersin difaaca Arsenal ah dhex taagnaa, waxaana uu ku hubsaday shabaqa.
15kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta ayaa ku adkaa Arsenal, waxaanay ku hafteen kubbado madax ahaa oo ay dhinacyada ka keenayeen ciyaartoyda Everton oo dherer ugu faanayay.
Tababare Sean Dyche oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu layliyo Everton oo usbuucii hore eriday Frank Lampard ayaa ku faraxsanaa sida ay kooxdiisu u ciyaaraysay ka hor intii aan la gaadhin waqtiga nasashada, waxaana uu hyelay saddex dhibcood oo durba ay kaga soo baxeen khadka cas.
Leandro Trossard oo beddel kusoo galay ayaa firfricooni ka sameeyey garabka midig ee uu la seexday Gabriel Martinelli oo aad u liitay, waxaana saddex jeer uu sameeyey toogashooyin uu laba ka mid ah ku beegay goolhaye Pickford midna uu dhinac mariyey.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku racday Everton oo usoo dallacday kaalinta 17aad ee miiska kala-sarraynta, halka Arsenal ay haysato 50 dhibcood oo ay shan dhibcood ka sarrayso Man City oo Axadda ciyaaraysa, taas oo farqiga dhibcaha Gunners ka dhigi karta laba dhibcood.