Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wariyaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano ayaa shaaciyay in Alejandro Garnacho uu ku dhow yahay inuu ka tago Manchester United oo uu ku biiro Chelsea.
Romano ayaa ku yiri muuqaal uu soo dhigay YouTube:
Chelsea waxa ay boqolkiiba boqol filayaan in heshiiska Garnacho uu dhacayo. Waxaan aaminsanahay inaan arki doono ‘Here we go’ toddobaadkan. Shaki kuma jiro, wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan Chelsea ah.