Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay Tuulada Kurshaalle iyo deegaanno u dhaw kuwaas oo ku yaalla duleedka Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyadoo biyaha ay galeen Beeraha iyo xaafadaha tuulada
Qoysaskan oo u badan haween iyo caruur ayaa dagay meelaha taagga ah ee u dhaw tuulada si ay uga badbaadaan fatahaadda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed