Qof ku sugan dalka Ingiriiska ayaa laga helay fayras lagu magacaabo monkeypox, sida ay sheegtay waaxda arrimaha caafimaadka ee UK.
Qofka laga helay feyraskan ayaa dhawaan u safray dalka Nigeria, halkaas oo la rumeysan yahay in uu kasoo qaaday fayraska ka hor inta uusan imaan UK, ayay tiri hay’adda caafimaadka.
Waxaana haatan bukaanka lagu daweynayaa xarunta lagu qaabilo bukaanada uu ku dhaco cudurrada faafa ee ku taalla isbitaalka NHS ee London.
Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS.
Waxay sheegtay in feyraskan uusan si fudud ugu dhax fidin bulshada isla markaana ay aad u hooseyso halista uga imaan karto bulshada.
Waaxda caafimaadka ee UK waxay sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ay si dhow ula shaqeynayaan xarunyta NHS si loola xiriiro dadka laga yaabo in uu la kulmay ninkan laga helay feyraska Monkeybox.
Sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii UK ay diiwaangelisay kiiskii ugu horreeyay ee feyraskan, wixii intaa ka dambeeyay waxaa la xaqiijiyay dhowr kiis oo isla caabuqan ah.