Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagula taliyay inay ka faa’iideysato tiknoolajiyadda casriga ah si loo horumariyo adeegyada dowladeed loona fududeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo bulshada.
Aqoon-yahan Abdulahi Mohamud Balaag ayaa ka hadlay muhiimadda ay tiknoolajiyaddu u leedahay horumarinta adeegyada dowladda iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
Abdulahi Mohamud ayaa sheegay in tiknoolajiyadda casriga ah ay fure u tahay horumar waara oo la taaban karo Wuxuu tilmaamay in Galmudug ay heli karto horumar muuqda haddii la hirgeliyo barnaamijyo ay dowladdu ku maamusho adeegyada dadweynaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyad.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Ahmed Mohamed Jaamac