Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxaa si rasmi ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud looga furay xafiis cusub oo lagu sugayo ammaanka xuduudda u dhaxeysa maamulka Galmudug iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Xafiiskan cusub ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyada ammaanka, isu socodka dadka iyo la-dagaallanka falalka xuduudaha ka dhaca sida tahriibka, ka ganacsiga sharci darrada ah, iyo khilaafaadka beeleed ee mararka qaar dhaca.
Warkan waxaa faah faahinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor