Galmudug oo Ambalaas Kala Wareegtay Save the Children.

0
23

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa si rasmi ah uga guddoomay hay’adda Save the Children laba gaari ambalaas ah oo loogu talagalay adeegyada gargaarka degdegga ah.

Munaasabadda wareejinta ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka ee Dhuusamareeb.

Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa uga mahadceliyay Save the Children kaalinta ay ka qaadaneyso kor u qaadista adeega caafimaadka, isagoo xusay in gaadiidkan ambalaaska ah ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan badbaadinta nolosha dadka xaaladaha degdegga ah la kulma.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:  Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here