Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Amniga ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqday in ciidamo boolis ah loo samayn doono deegaanka Olol, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu xasillinayo deegaanada fogfog ee gobolka iyo xoojinta amniga bulshada rayidka ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay barnaamij ballaaran oo lagu dhisayo boolis tuulooyinka, si wax looga qabto colaadaha beelaha, amni-darrada, iyo falalka ka dhaca meelaha aan saldhigyada boolisku gaarin.
Qorshahan ayaa imaanaya xilli ay Galmudug ku jirto dadaallo lagu ballaarinayo adeegyada dowladeed ee ka baxsan xarumaha magaalooyinka waaweyn, iyadoo diiradda la saarayo amniga, cadaaladda, iyo dib-u-heshiisiinta beelaha.
Warkaan waxaa soo jeedineysa:Liban Mohamed Abdi