Galmudug oo ganaaxaysa qofkii ka shaqeeya kicinta Bulshada.

0
63

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Galmudug Maxamed Abdi Aadan (gaboobe), ayaa ku guuleystey burburinta baraago Ku yaaley dhul daaqsimeydka u dheexeya deegaannada Baxda-gaabo iyo Laasbuur oo maalmihii la soo dhaafey ay ka taagnayd xiisad u dhexaysa beelaha walalaha ah ee wada dega deegaanka.

Wasiirka amniga guadaha Galmudug oo la hadlay dhinacyada isku hayay degaankaas ayaa sheegey inaan la’ogolaan karin in micno darro ay ku dhintaan dhalinyarada isla markaana dhulka ay masuul ka tahay dowladdu. waxaa uu sidoo kale yiri ”Galmudug cidii lagu helo kicin bulsho waxa ay mutaysan doontaa xarig shan sano ah”

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here