Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamad Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax Dugsi u gaara Gabdhaha, isagoo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Mudug.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa lagu muujiyay muhiimadda uu leeyahay dugsigan cusub, gaar ahaan doorka uu ka ciyaarayo kobcinta waxbarashada hablaha ee magaalada Galkacyo.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor