Galmudug oo shaacisay tirada ardayda u fariisatay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare.

0
52

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Sanadba sanadka ka dambeeya waxaa si muuqata u kordhaya tirada ardayda galaysa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee deegaanada Galmudug.

Kororka tiradan ayaa loo arkaa guul la taaban karo oo laga gaaray dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhore, oo ka hadlay arrintan, ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ah iyo goobaha ay imtixaanka ku galayaan.

Wasiirku wuxuu xusay in tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanka ay aad uga badan tahay tii sanadihii hore, taasoo caddeyneysa sida ay uga miro-dhalayaan qorshayaashii lagu ballaarinayay waxbarashada iyo kor u qaadidda fursadaha waxbarasho ee dhalinyarada Galmudug.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here