Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xilli degaannada Dowlad Goboleedka Galmudug ay ku soo laab laabtay dagaalka qabiilka, Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug, Ali Daahir Ciid, ayaa sheegay in ay jiraan maamulo degmooyin oo qeyb ka ah hurinta colaadaha.
Madaxweyne Ku-Xigeenka ayaa sheegay in haddii aysan ka waantoobin arrimahaas, ay xilka ku weyn karaan.
waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkhadir Nor