Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Waxaa muddoyinkii dambe magaalada Dhuusmareeb laga dareemayey isbedelo baaxadd leh oo Dhanka ganacsiga ah kuwaas oo ay ka mid yihin ganacsiyada waa weyn ee ay haweenku hogaamiyaan, Sacdia Mohamed Haashi oo hablaha bartay kamida kulliyadda ganacsiga waxay xarun ganacsi ku leedahay suuqa magalaada Dhuusamareeb waxaan weydiiyey isbedalada la taaban karo ee ganacsiga magaaladan kusoo kordhay. Haweenku waxay qeyb ka yihin dadka ugu badan ee suuqyada ganacsiga ka shaqeeya waxayna ku leeyihin ganacsiyo heerar kala duwan leh waxay qaar ka mid ah haweenka ganacsatada ah ayaa inooga wramaya caqabaha haweenka keena in haweenku aysan ku badnayn kasoo muuqashada darajooyinka ugu heerarka sarreeya ganacsiga magaalada Dhuusmareeb.Magaalada Dhuusmareeb waxaa ay samaynaysa koboc dhanka ganacsi ah dhowrkii sanno ee la soo dhaafay waxaana jira dad badan oo magaalooyinka kale ee dalka uga yimid si ay ugu ganacsadaan suuqyada magaalada Dhuusmareeb.
Warbixintan waxaa soo jeedinaysa-Xamdi Diiriye Cali.