Ganacsato maamulka Dhuusamareeb kadalbaday helida dhul ay ku ganacsadaan

0
94

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Iyada oo billooyin ka hor maamulka dowlada hoose ee magaalada dhuusmareeb uu ku wargeliyey dad ku ganacsanayey qaybo ka mid ah gudaha suuqa magaalada dhuusamareeb in ay baneeyaan suuqa si dhisma cusub looga billaabo ayaa maalmo ka hor la billabay burburinta dhismayaashi hore ee suqa.Qaar ka mid dadkii ganacsiyada yar yar iyo kuwa waa weynba kulahaa gudaha suuqa ayaa inoo shaagay in aysan jirin meel kale oo ay kusii ganacsan karaan suuqa haatan la dhisayaana uu yahay meeshii ay nolol maalmeeedkooda ka soo saaran jireen.Suuqaan waxaa ganacsiyo kala duwan ku lahaa dad u badan dan yar noloshooda ka maareeya alaabo ay gudaha suuqa ku iibinayeen.

Warbixintan waxaa soo jeedinaysa-Xamdi Diiriye Cali.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here