Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ku baaqay in si degdeg ah looga qayb qaato daminta colaadaha dhowaan kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan maamulka Galmudug. Odayaashu waxay sheegeen inay wadaan fidinta gogol nabadeed oo lagu falanqeynayo dhacdooyinkii ka dhacay qaar kamid ah deegaanadaasi, iyagoo xusay in dadka deegaanka ay qayb weyn ku leeyihiin xallinta khilaafaadka jira.
Waxay sidoo kale ku dhiirrigeliyeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada — sida odayaasha dhaqanka, culimada, dhalinyarada, iyo haweenka — inay ka shaqeeyaan nabadda iyo walaalnimada, si loo helo xal waara oo lagu soo afjaro colaadaha Soo noqnoqday.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi