Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Degmada Caado ayaa maanta yelatay maamul cusub kadib doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka oo maanta kadhacday Cadaado.
Faarax Diiriye Warsame ayaa ku guleystay Gudoomiyaha cusub ee degmada Cadaado halka gudoomiye ku xigeena lo doortay Cabdi Xakiin Maxamad Cali, Wasiirka arimaha gudaha iyo dib u heshisiinta Galmudug Mudane Cabdi Maxamed Jamaac Cabdi waayeel ayaa u mahad celiyey golaha deeganka cadaado iyo Cid kasta oo kaqeyb qadatay dhismaha golaha deganaka .Magalada Cadaado ayaa kamida degmoyinki ugu horeyey ee yeesha gole deegaan gudahan degmoyinka dalka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya- Cabdullaahi Cabdulqaadir Nuur