Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi, ayaa ka warbixisay ansixinta Guddiga Xuquuqul Insaanka ay muujineyso sida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ugu hiiliyeen danta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Khadiijo ayaa xustay in tallaabadan ay sidoo kale fariin cad u dirayso beesha caalamka, taas oo muujineysa in Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta caddaaladda bulshada.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf


