Golaha wakiillada Galmudug oo meelmariyay miisaaniyadda dowladda goboleedka ee Sanadka 2026

0
71

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah u meel mariyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, taasoo uu golaha horgeeyay Wasiirka Maaliyadda Galmudug.

Fadhiga golaha oo uu guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mohamed Nor Gacal ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay qodobada miisaaniyadda, ka hor inta aan cod loo qaadin. Ugu dambeyn, xildhibaanadu waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda cusub ee Galmudug.

Abdulahi Abdulkadir ayaa warkan soo jeedinaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here