Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id kaddib guuldarradii 4-3 ee kooxdiisu kala kulantay Al Hilal wareegga bug-baxa ee Koobka Adduunka ee Naadiyada, ciyaar dhacday subaxnimadii Talaadada.
Guardiola ayaa yiri:
“Waxaan u ogolaanay inay abuuraan weeraro rogaal celis ah, laakiin annaguna fursado badan ayaan abuurnay, waxaana dhowr kubbadood badbaadiyay Bono. Guud ahaan, si fiican ayaan u ciyaarnay; waxay ahaayeen kuwo mudan guusha.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Nasiib darro ayay ahayd. Waxaan joognay meel aad u wanaagsan, waxaana u mahadcelinayaa dhammaan shaqaalaha tababarka iyo diyaarinta kooxda – dadaalkooda wuxuu ahaa mid weyn.”
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri:
“Wax badan oo wanaagsan ayaan arkay oo aan hore u arki jirin, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya ciyaartoyda iyo shaqaalaha farsamada. Waxaan dareemayay farxad intii aan ku sugnaa Mareykanka, tababarkuna wuu fiicnaa, balse heerarka halkan waa kuwo aad u sarreeya.”