Guddiga gurmadka abaaraha galmudug oo baaq loo diray.

0
66

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iyadoo abaaruhu si ba’an u saameeyeen qeybo badan oo ka mid ah deegaannada Galmudug, ayaa haddana waxaa isa soo taraya cabashooyinka iyo baaqyada bulshada ee ku wajahan Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Galmudug, iyagoo ku boorinaya inay la yimaadaan firfircooni dheeraad ah iyo qorshe midaysan.

Qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, culimada, dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in guddigu si degdeg ah uga jawaabo baahiyaha aasaasiga ah ee ay la daalaa dhacayaan dad badan oo ku nool miyiga, kuwaasoo la tacaalaya gaajo, haraad iyo biyo la’aan.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Ahmed Mohamed Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here