Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kursiga HOP 248 ee ka bannaanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doorashadiisa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, waxaana doorashada maamulayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Kursigan waxaa ku tartamay laba musharrax: Maxamed Cabdi Xasan iyo Sahro Xasan Cabdulle. Natiijada doorashada waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdullaahi Salaad Yarrow, iyadoo Maxamed Cabdi Xasan uu ku guuleystay kursiga.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abullahi Abdulkhadir Nor