Guddiga Qaran ee qaban-qaabada toddobaadka Xorriyadda oo muqdisho kulan kuyeshay…

0
22

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddiga Qaran ee qaban-qaabada toddobaadka Xorriyadda ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha u diyaar-garowga xuska toddobaadka Xorriyadda, oo ka mid ah munaasabadaha qaran ee ugu muhiimsan dalka.

Intii uu socday kulanku, xubnaha guddigu waxay ka wadahadleen jadwalka munaasabadaha, isku xirka hay’adaha kala duwan ee dowliga ah, iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loogu dhiirrigelin lahaa inay si firfircoon uga qayb qaataan xuska taariikhiga ah.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here