Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Maxamed Nuur Gacal Guddoomiyaha Golabaha Baarlamaanka Galmudug oo qudbad ka jeedinayay Munaasabadda furitaanka Kal-fadhiga Shanaad ee golahaa ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay,;
Waxaa uu Guddoomiye Gacal sheegay in uu Baarlamaanku uu ansixiyay sharciyo muhiim ah oo ay usoo gudbiyeen wasaaradaha kala duwan ee Maamulka Galmudug.
Xarunta Golaha Sharci dejinta Galmudug ayaa lagu qabtay Xaflad si toos ah loogu daah-furayay Kal-fadhiga shanaad ee Goalaha kaas uu Maalintii shalay ahayd Daah-furay Madaxwaynaha Galmudug Axmad Abdi Kaariye Qoorqoor.
Warbixintan waxaa soo jeedineysa-Ruun Mohamud Osman