Guddoomiyaha Degmada Cadaado oo Daah-furay Tababar ku saabsan Adeegga Dad-dhigista Mideysan

0
101

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa si rasmi ah u daah-furay tababar ku saabsan tayeynta iyo baahinta adeegga dad-dhigista mideysan ee JFS.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa Guddoomiyaha wehelinayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdiqani Maxamed Wehliye.

Intii ay socotay munaasabadda, Guddoomiyaha degmada Cadaado iyo Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay adeegyada dad-dhigista iyo caafimaadka degmada Cadaado agabka casriga ah ee diiwaangelinta nidaamka dijitaalka ah ee dad-dhigista mideysan.

waxaana inoo soo jeedinaya liibaan maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here