Guddoomiyaha degmada Cadaado oo soo xiray maanta kalfadhiga 2-aad ee golaha deegaanka degmadaasi

0
77

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Dowladda hoose ee degmada Cadaado waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Cadaado Faarax Diiriye Warssme waxaana inta uu socday lagu soo bandhigay waxyaabihii golaha u qabsoomay intii uu kal-fadhigan furraa iyadoo sidoo kale uu Guddoomiyuhu dardaaran u jeediyay xubnaha golaha. Ugu dambaynna waxaa shirkan lagu sheegay in uu xirantahay kalfadhiga labaad ee golaha deegaanka Degmada Cadaado.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya-Abdidaahir Garaad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here