Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Guddoomiyaha Degmada Warsheikh ee gobolka Shabeellaha dhexe Xasan Xaaji Axmad ayaa waxaa uu furay shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay deegaanno hoos taga degamadaasi, waxaa uu gudoomiyuhuu sheegay in guddi maamulka Hirshabeelle ugu xilsaaran dib u heshiisiinta bulshadu uu soo qaban qaabiyay shirkan oo la’isugu keenay beelo kol hore colaado ku dhex mareen degmada.
Warkan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali