Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo gaarsiiyay deegaanka Xaaji Cali 10 gaari oo gargaar ah.

0
80

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa maanta gaarsiiyay deegaanka Xaaji Cali 10 gaari oo gargaar ah, kuwaas oo horey ay u soo dhiibtay hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA).
Gargaarkan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen colaadaha iyo abaarta. Guddoomiyaha ayaa sheegay in gargaarkan uu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladdu ugu jirto gurmadka shacabka tabaaleysan.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here